Saacadihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgala qorsheysan oo isugu jira weeraro dhabba galyo ah iyo qaraxyo ka fuliyeen deegaano ka tirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda kenya.
Weerarka hore oo qarax ah waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Mandheera iyo Finnow waxaana qaraxaas lala beegsaday ciidamo lug ah oo kenyaati ah.
Wararka la helaya waxey xaqiijinayaan in tiro askar kufaarta kenya ah baqti iyo dhaawac ku noqdeen qaraxaas.
Howlgalka xiga oo isugu jira qarax iyo kamiin waxa uu ka dhacay ceelwaaq kenya iyo deegaanka Raamo ee qeybta ka ah dhulka NFD ee kenya gumeysato.
Inta la xaqiijiyay kamiinka iyo qaraxa waxaa lagu gubay labo gaari oo kala ahaa xamuul iyo kooyal waxaana baqti iyo dhaawac ku noqday askar fara badan oo kenyaati ah.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan dhulka NFD ee gumeysiga ku jira iyo guud ahaan gudaha dalka kenya.
Calamada.com