Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta kenya ay kaga suganyihiin degmada ceelwaaq ee wilaayada gedo.
Dagaal culus oo u dhaxeeya shabaabul mujaahidiin iyo saliibiyiinta kenya ayaa halkaas ka dhacay waxaa dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano ka fog fog degmada ceelwaaq.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in dagaalkaas uu ku dhaawacmay hal askari oo kenyaati ah, Sidoo kale waxa uu dab qabsaday xeendaabka xerada iyo qol jiingad ah oo kufaarta kenya uga dhisnaa gudaha xerada.
Dagaalkan xalay ka dhacay degmada ceelwaaq waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale ciidamada shabaabul mujaahidiin isla xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga kufaarta burundi ee deegaanka Biya cadde ee hoostaga degmada mahadaay ee wilaayada shabeelada dhexe.
Calamada.com