Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weeraro isugu jira dagaallo toos ah iyo duqeyn la beegsadeen saldhigyo ay askarta dowlada federaalka iyo kuwa shisheeyaha kaga suganyihiin bartamaha iyo koonfurta dalka soomaaliya.
Dhanka Wilaayada Hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay xalay dagaallo culus ku qaadeen labo saldhig oo maleeshiyaatka kooxda ridada kaga suganyihiin magaalada Beledweyne.
Isla Wilaayada Hiiraan waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga askarta ridada Jabuuti ee degmada Buulo burte waxeyna sidoo kale dagaal ku qaadeen saldhiga hirshabeelle ee isla buula burte.
Dhanka wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhiga kufaarta afrikaanta ee deegaanka Arbacow iyo fariisinka ridada ee deegaanka siinka dheer ee wada dhaca duleedka magaalada muqdisho.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah shisheeyaha iyo maleeshiyaatka kabo qaadka u ah gaalada soo duushay.
Calamada.com