Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa dilal qorsheysan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala beegsaday xubno ka tirsan dowlada federaalka.
Dilka hore waxa uu ka dhacay isbartiibada Stadium Mogadishu ee degmada wardhigley waxaana lagu dilay sarkaal saddex xidigle ah oo lagu magacaabi jiray cali ok.
Dilka labaad waxa uu ka dhacay isgoyska xaawa casir ee degmada kaaraan waxaana lagu dilay askari magaciisa lagu soo gaabiyay Amxaar kaasi oo ka mid ahaa istaafka gudoomiyaha ridada ugu magacaaban degmada balcad ee gobalka shabeelada dhexe.
Askari Amxaar ayaa raggii dilay waxey ka qaateen qori iyo boosh uu ku hubeysnaa, Waxaa mas’uuliyadda dilalkan ka kala dhacay wardhiigley iyo kaaraan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Calamada.com