Saacadihii lasoo dhaafay waxay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga dhacay wilaayaadka Banaadir, shabeellada hoose iyo Bay iyo Bakool.
Howlgalka koowaad oo ahaa qarax waxay ciidanka Mujaahidiintu ku qaadeen xarunta Laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho , halkaas oo lagu qarxiyay askar ka tirsan maleeshiyaadka Ridada oo ku sugnaa fariisinka, waxaana lasoo wariyay khasaare maleeshiyaadka soo gaaray.
Dhanka shabeellada hoose waxay ciidanka Mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta afrikaanta ay ka samaysteen deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Goobaha sidoo kale ay Mujaahidiintu hujuumeen waxaa ka mid ah fariisin ay maleeshiyaadka dowladda Ridada ka samaysteen deegaanka Makuunda ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba, waxaana la wariyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo cadowga soo gaaray.
Dhanka degmada Xudurna waxay Mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka dowladda Ridada ka samaysteen dhanka bari ee degmada Xudur, inkastoo dagaalku dhacay xilli habeen ah haddana waxaa lasoo wariyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka Ridada.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com
Wll Waxan Rabaa Video-Yada walaalaha Oo DHan halkee ka Helaa MaHaDzaniD