Khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac ayaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Soomaaliya kasoo gaaray qarax culus oo maanta lagula eegtay qaybo ka mid ah wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan waxay ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalaayay deegaanka Cowmaad oo hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, Waxaana qaraxan dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaad ka tirsan dowladda Ridada.
Jugta qaraxa oo si wayn looga maqlay meelo fog fog waxa uu si gaar ah u haleelay gaari Cabdibile ah, waxayna ilo wareedyadu sheegayaan in gaariga uu goobta ku basbeelay.
Sida ay baahisay Idaacadda Andalus waxaa qaraxaas ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah halka 3 kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Qaraxan ka dhacay wilaayada Hiiraan waxa uu kusoo beegmayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro toos ah lagu qaaday qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada dowladda Ridada iyo kuwa Afrikaanta ay ka samaysteen qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com