Xogo faahfaahsan ah ayaa laga helayaa khasaaraha maleeshiyaadka Ridada kasoo gaaray dagaallo dhowr jeer la isku noqnoqday oo maanta ka dhacay deegaan dhaca koonfurta wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaallada waxaa soo qaaday maleeshiyaad ka tirsan dowladda Ridada federaalka, waxaana ujeedka maleeshiyaadka uu ahaa carqaladaynta habsami u socdka jihaadka ka socda wilaayada Mudug, balse waxay la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dhanka ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Iska hor’imadyada xaqqa iyo baadilka ku dhexmaraya wilaayada Mudug waxay maanta xooggoodu ka dhaceen deegaanka Qeycad ee duleedka degmada Bacaadweyne, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada waxay sheegayaan in 14 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ay ku dhinteen dagaalladii maanta ee deegaanka Qeycad, waxaana saraakisha ka mid ahaa Daahir Jareer oo ka tirsanaa maleeshiyaadka 21-ka iyo Ina lacag-jecel oo ahaa Sargaal Bangaraaf ah, waxayna xoguhu intaas ku darayaan in dhaawaca maleeshiyaadka uu yahay 19 askari.
Waxay ilo wareedyadu intaas ku darayaan in maleeshiyaadka kooxda Ridada dagaalladii maanta ee Qeycad lagu jabiyay illaa 7 jeer isla markaana qaar ka mid ah maydadka maleeshiyaadkooda ay kaga carareen goobihii lagu dagaallamay.
Isku gaynta dhimashada iyo dhaawaca maleeshiyaadka waa 33 askari oo ay saraakiil sar sare ku jiraan, waxaana uu weerarkaan kusoo beegmayaa xilli qaraxyo iyo dagaallo si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka dowladda ay ka dhaceen deegaanka Xiin-labi halkaas oo iyana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 8 askari, kuwaas oo la geeyay deegaanka Baxdo.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com