Maleeshiyaadka dowladda Ridada ayaa maanta markale dhowr jeer ku jabay weeraro ay kusoo qaadeen deegaan dhaca duleedka degmada Bacaadweyne ee wilaayada Mudug, ka dib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Ilo wareedyo masuul ah waxay xajiiyeen in shan jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka dowladda isku dayadii ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan deegaanka Qeeycad oo ka mid ah deegaannada lagu maamulo shareecada islaamka.
Xoguhu waxay tibaaxayaan in maleeshiyaadka kooxda Farmaajo ay fagaareyaasha dagaalka kaga carareen maydadka illaa 5 askari, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas kasii bato.
Halkan Ka Dhagayso Xogta Howlgalladii Maanta Iyo Idaacadda Al-andalus.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com