Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo xooggan oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-Cali-Axmed, kuwaas oo si wayn loogu jabiyey maleeshiyaadka murtadiinta.
Dagaalladan waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay 7 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay ilaa lix kale, waxaana ciidamada mujaahidiinta ay soo qaniimeysteen 5 qori oo AK47, ah iyo 1 qori PKM ah.
Dhanka kale, tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo ciidamada mujaahidiintu maanta kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Boos-hareeri ee dhaca duleedka degmada Aadan-yabaal ee wilaayada Sh/dhexe.
Khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi murtadiinta lagu gaarsiiyay waxa uu gaaray 20 murtadiin ah, halka sidoo kale na ay ku dhaawacmeen 23 murtadiin ah, sida saraakiisha ciidamada mujaahidiinta u xaqiijiyeen Radio Al-andalus.