
Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogaga Jabhadda Oromada ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan OPDO ay xasuuq daran ugeysteen dad isugu jira carruur iyo haween oo dhammaantood ah Soomaali.
Saraakiil u hadashay Booliska Itoobiya ayaa sheegay in maleeshiyaadka Oramada ay weerareen xero lagu aruuriyay dadka Soomaalida ah kadibna ay halkaas xasuuq daran ka geysteen.
Gummaadkan lagula kacay dadka Soomaalida ayaa imaanaya xilli isbuucii lasoo dhaafay ciidamada melleteriga Itoobiya ay toogteen 6 qof oo kamid ah shacabka Oromada kadib markii askar katirsan Maleeshiyaadka Liyuu Booliska Itoobiya lagu dilay isla gobolka Oromia.
Saraakiisha xoogaga mucaaradka ee kacdoonka wadanka Itoobiya ayaa ku eedeynaya xukuumadda Addis Ababa in ay Mas’uul ka tahay dagaalka ka dhax qarxay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ujeedka ay leedahayna uu yahay joojinta kacdoonka gigilay Taliska Tigreega.
Maleeshiyaadka Ridada ee Liyuu Booliska oo horraantii Sanadka 2017 loo daad gureeyay gobolka Oromia ayaa xasuuq daran ugeystay shacabka Oromada taas ayaana loo aaneynayaa in ay sababtay in colaad dhiig badan ku daatay ay dhax qaraxdo Soomaalida iyo Oromada oo labaduba ah qowmiyadaha muslimiinta ee ugu ballaaran wadanka Itoobiya.