Howlgal qorshaysan oo qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen agagaarka Siinka-dheer ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan sirdoonka Riddada.
Qaraxaasi waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa 5 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada ee NISA, halka ay sidoo kalena ku dhaawacmeen ilaa 8 kale, waxaana burbur uu soo gaaray gaariga murtadiintu wateen ee qaraxa lala beegsaday.
Howlgalkan qorsheysan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii aanu soo dhaafnay howlgal qarax ah oo mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Beledxaawo ee wilaayada Gedo oo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah.