Khasaara aad u xooggan ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen deegaanno ku dhow magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.
Wararka ka imaanaya degmada Ghuudada Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 250 qof shacab ah ay ku dhinteen sawaariikh aan loo meel dayin oo lagu rusheeyay guryo dad shacab ah deganyihiin.
Dhiigga dadka shacabka ah ayaa qulqulaya waddooyinka magaalada Ghuudah, Meydadka ayaa daadsan suuqyada iyo xaafadaha shacabku ku badanyihiin.
Gummaadkan waxaa geysanaya diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad oo madaafiicda goobta ku duqeynaya magaalada.
Wariye ku sugan magaalada Hareeraysan ee Ghuudada Bari ayaa soo sheegay in wax aan la sheegi karin ay magaalada kajiraan, Meydadka qaar ayaa la waayay fursad lagu aaso sababa la xiriira duqeymaha oo ah kuwa aan kala joogsi laheyn.
Dowladda Ruushka ayaa qaadatay siyaasad lamid ah xasuuqii Garoozni ee wadanka shiishaan waxayna gubeysaa dhammaan magaalooyinka gacanta Nidaamka Bishaar Al-asad ka maqan.
Dhinacyada cadawga ah ayaa xasuuqan ay ugeysanayaan ku marmarsiyoonaya ladagaallanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ waxaana xusid mudan in magaalad Ghuudda Bari aysan ku sugnayn xoogaga jihaadiga ah oo waxaa magaalada maamula Maleeshiyaad gacan saar laleh dowladaha sacuudiga iyo Turkiga.