Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 37 qof oo falastiiniyiina ayaa ku shahiiday duqeymo culus oo ciidamada Yahuuddu maanta ka gaysteen deegaano badan oo ka tirsan Marinka Gaza.
Duqaynta koowaad oo lasoo wariyay inay ka dhacday Karama oo ah deegaan dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Gaza, waxaa la hubiyay inay ku shahiideen ilaa 4 qof oo Falastiiniyiin ah.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale soo sheegay in hal qof oo dhalinyaro ah uu sidoo kale ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu maanta ka geysateen agagaarka Al-Maydan ee Bayt Laahiya.
Sidoo kale waxaa lasoo sheegay in Yahuuddu duqaymo is xigxigay oo culus la beegsatay deegaanada Al-Fakhura iyo Al-Tawbah oo dhanka galbeed ka xiga xerada Jabalia ee waqooyiga marinka Qaza.
Duqaymo kale oo xooggan ayaa lasoo sheegay, halka wadarta guud ee dhimashada maanta oo kaliya lagu sheegay 37 qof, taa oo tirada guud ee dadka Falastiiniyiin ah ka dhigaysa 43,764 shuhado ah iyo 103,490 oo dhaawac ah.