Ugu yaraan 30 qof oo sahaayino ah ayaa ku dhaawacmay weerar gantaal ah oo maleeshiyada Xuuthiyiinta ay ka gaysteen mandiqad ku dhow magaalada Tal’abiib ee gumeysiga Yahuudda ku hoos jirta.
Idaacadda rasmiga ah ee maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa sheegay in ciidamadoodu baarayaan sababta howlgab ka dhigay nidaamyadooda difaac, kuwaas oo ku fashilmay inay ka hortagaan gantaalka Yemen laga soo tuuray ee ku qarxay deegaanka Yafa ee koonfurta magaalada Tal_abiib.
Ciidamada gumeystaha Yahuudda ayaa sheegay inay ku guul-darreysteen ka hortagga gantaalka Xuuthiyiinta ee Yeman laga soo tuuray aroornimadii hore ee maanta.
Dhanka kale, afhayeenka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, Yaxya Sariic, oo ka hadlayay weerarkaasi ayaa sheegay inay duqeeyeen bartilmaameed militari oo kuyaal deegaanka Yafa ee gumeysiga Yahuudda ku hoos jira.
Weerarkan maanta Xuuthiyinta ku qaadeen degaanka dhanka koonureed ka xiga Tal-abiib ayaa kusoo beegmaya xilli Khamiista lasoo dhaafay, ciidamada gumeystuhu duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen xarumo kala duwan oo kuyaal magaalada Sancaa ee caasimadda u ah Yemen iyo Xudeydah oo ay maamulaan Xuuthiyiinta.