Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo lagu jabiyey maleeshiyaadka murtadiinta oo maanta markale ka dhacay deegaanka Beerayabaal ee dhaca duleedka degmada Buulo-burte ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa idaacadda islaamiga Al-andalus u xaqiijiyay in dagaalladii cuslaa ee maanta dhacay lagu dilay 10 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 20 kale oo ay saraakiil ciidan ku jirto.
Sidoo kale, ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay dagaalkaasi kusoo qaniimeysteen gaari Noha-ah, iyo bastoolad oo laga soo furtay maleeshiyaadka murtadiinta, waxayna dagaalladan daba socdaan dagaallo shalay lagu laayay isla maleeshiyaadka murtadiinta oo ka dhacay deegaanka Beera-yabaal.
Dhanka kale, waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah murtadiinta lagu dilay dagaalladii maanta dhacay, waxaana ka mid ahaa Muuse Axmad Cali, Xasan iyo Maxamad Calasow, waxaa sidoo kale helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyada Riddada ee lagu dhaawacay dagaalladii maanta dhacay, waxaana ka mida Cabdullaahi Macow, Dhaley iyo Jujaale, oo ah taliyaha guutada 26-aad ee maleeshiyaadka Riddada.