Inta la hubiyay ugu yaraan 10 qof oo kenyaan ah ayaa dhintay, halka 20 kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kaddib markii ay shil culus ku galeen qaybo ka mid ah dalka Kenya.
Shilkan baabuur ayaa laga soo tabiyay waddada isku xirta ismaamullada Kisumu iyo Kakamega, gaar ahaanna buundada Iguhu ee kutaal webiga River Yala.
Dhacdada shilka ah ayaa timid ka gadaal markii booyad shidaal sidday oo uu darawalku xakamayn waayay ay ku dhacday laba ka mid ah gaadiidka Mataatuuda loo yaqaan oo kusii jeeday dhanka Chavakali.
Warbaahinta maxalliga ah ee ka howlgasha Kenya waxay soo sheegtay in dadka dhaawacyada ah la dhigay cisbitaallada kala ah Mbale iyo kan guud ee Kakamega, waxaana laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee ay ku suganyihiin badi dhaawacyada.