Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saaka oo Isniin ah kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Boos-hareeri ee duleedka degmada Aadan-yabaal ee ka tirsan Sh.dhexe.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay idaacadda islaamiga Al-andalus waxay u xaqiijiyeen in dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka “Boos-hareeri” Allaah fadligiis lagu dilay 19 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 9 kale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen 13 qori oo murtadiinta laga soo furtay.
Dhanka kale, dagaallo culus oo lagu jabiyey maleeshiyaadka murtadiinta ah ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka deegaanka Ceel-Cali-Axmed ee ka tirsan wilaayada Sh/dhexe, waxaana jira khasaare kala duwan oo maleeshiyaadka murtadiinta la gaarsiiyay.