Howlgal madaafiic ah ayay ciidamada mujaahidiintu maanta ku garaaceen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Buulo Xaaji ee duleedka Kismaayo, waxayna Allaah fadigiis madaafiicdu ku dhaceen gudaha xeradaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan barakaysan ku dhaawacmay inka badan 15 askari oo murtadiin ah, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo lagu dhaawacay shan askari oo laba ka mid ah xaaladdoodu tahay mid culus.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen Kaantaroolka maleeshiyaadka murtadiinta gaar ahaan kuwa ashahaada la dirirka ah ee NISA kaga suganyihiin xaafadda Abagado ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, hal askari oo ka tirsan Riddada ayaana ku dhaawacmay.